Meet Abdalla Omer
Trader xirfadle ah, macallin iyo mentor u heellan inuu ka caawiyo traders-ka inay gaaraan faa'iido joogto ah iyagoo adeegsanaya xeelado la tijaabiyey iyo maskax deggan oo nidaamsan.
Maxaa Abdalla Ka Dhigaya Mentor La Aamini Karo
Wuxuu u taagan yahay guusha ardayda - iyadoo lagu salaynayo khibrad iyo natiijooyin la tijaabiyey.
Safarkayga Trading-ka
Trader Khasaara ➞ bare guulaysta
Safarkaygu wuxuu ku bilaabmay rajo saraysa iyo raadinta faaido deg deg ah — Waxaan trading ku bilaabay $827 anigoo rumeysan in uu yahay waddo sahlan oo lagu helo Lacag. Balse taas si degdeg ah ayaan ugu guul daraystay. Lacag walba oo aan geliyo suuqa waa ku khasaarayay, inkastoo aan aaminsanaa in hal istaraatijiyad kaliya iga dhigi doonto Trader guuleysta.
Muddo ku dhowaad laba sano ah waxaan si qoto dheer u bartay Smart Money Concepts (SMC). Waxaan bartay istaraatijiyaddas oo dhan, haddana wali waan khasaarayay. Waxaan ka dhaxlay hurdo la’aan, murugo iyo kalinimo joogta ah. Markaas ayaan Fahmay in guusha trading-ka aysan ku xirneyn istaraatijiyad kaliya — balse sido kale ay ku xirantahay xakameynta naftaada, nidaamkaga, iyo dulqaadkaga.
Isbedelka dhabta ah wuxuu yimid markii aan ka leexday rabitaanka faa’iidada degdegga ah una jeestay in aan dhiso nidaam xasiloon iyo xeerar adag, Markaas ayaan noqday mid si joogto ah u faaida — ma ahayn sababta istaraatijiyad cusub kaliya, balse sirta waxay ahayd barashada naftayda.
Maanta, waxaan u hibeeyay naftayda in aan ardadayda la wadaago casharrada badan ee aan ku bartay safarkayga. Waxaan si joogta ah ugu baraa YouTube-ka si bilaash ah, waxaana dhisay Barnaamijyo iyo Mentorship aan ku caawiyo Traders-ka doonaya in ay si dhab ah ugu guuleystaan trading-ka. Ujeeddadaydu waa in aan kaa badbaadiyo khaladaadkii igu qaatay sanado — si aad si dhaqso leh u gaarto guul.
Hammigaaga waad gaari kartaa
Laakiin su’aasha dhabta ahi waa:
Yaa Ku Hagaya?
Falsafadayda
Habka aan u baro trading-ka
Waxbarasho
Fahamka sababta ka dambeysa istaraatijiyad kasta ayaa ka muhiimsan inaad kaliya barato sida loo fuliyo.
Caqliyada
Ilaalinta maskaxdaada ayaa ka muhiimsan raadinta faa’iido degdeg ah. Xasilooni maskaxeed waa aasaaska guusha trading-ka.
Cawinaad
Barashada trading-ku waa safar. Waan ku caa doonaa tallaabo kasta oo aad qaadayso, anigoo ku garab taagan.
Diyaar Ma utahay Safarka Guushada ?
I ogolow inaan kaa caawiyo inaad ka fogaato khaladaadkii aan anigu galay, isla markaana kugu hago wadada trading-ka faa'iidada leh.